Maydadka Madaxweynihii Iiraan Ebrahim Raisi iyo masuuliyiintii kale ee shilka kula geeriyooday ayaa lagu soo waramayaa in laga soo qaaday goobtii laga helay haraadiga maydadka masuuliyiintaasi.
Howgalka Baadigoobka maydadka ayaa lasoo gabagabeeyay sida uu sheegay Madaxa Ururka Bisha Cas ee dalka Iiraan Pir-Hossein Kolivand, waxaana uu intaas ku daray in si buuxda u xaqiijiyeen baadigoobka Diyaaradii Helikobtarka ee ay la socdeen Mdaxweyne Ibrahim Raisi iyo Wafdigiiisa, kuwaasi oo ugu dambeyn la helay maydadkooda.
Dhamaan maydadka ayaa loo soo duuliyey magaalladda Tabriz oo ah Caasimadda Gobalka East Azerbaijan ee W/Galbeed ee dalka Iiraan sida uu sheegay Madaxa Ururka Bisha Cas ee dalka Iiraan Pir-Hossein Kolivand.