Boliska magaalladda Kalagari ee Cirifka Galbeed ee dalka Kanada waxaa sheegeen inay maydka Nin Soomaali ah shalay  ka heleen Barxadda gaadiidka la dhigtay ee Canada Olympic Park.
Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay Jaalliyadda Soomaalida aqoonsadeen Marxuumka oo la oran jirey Mohamed-deeq Ali Mohamed, oo 26-jir ahaa
Iimaam Abdi Hersi oo ka mid ah Soomaalida deggan magaalladda Kalagari ayaa u sheegay Telefishinka CTV News ee dalka Kanada in Marxumka ka soo tegay gurigiisa Saqdii dhexe ee habeen hore, kadib, markii uu qof aan la aqoon Telefoonka ka soo wacay.
Imam Abdi Hersi waxa uu intaasi ku daray inay Reerka Marxuumka u sheegeen inuusan Marxumka dib u soo laabanin, isla markaana ka war heleen inuu geeriyooday.
Boliska magaalladda Kalagari ayaa bilaabay baaritaanka sababaha uu u geeriyooday Marxuumkaasi oo aysan dhaawacyo ku oolin.
Si kastaba ha ahaatee, geerida Marxuumkaasi ayaa noqonayo qofkii saddexaad oo Soomaali ah oo sannadkan lagu dilo magaalladda Kalagari.
Guud ahaan 59-qof oo Soomaali ah ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay Gobalka Alberto ee dalka Kanada, oo ay ku nool yihiin Jaalliyadda ugu badan Soomaalida ku nool dalkaasi.
Dhinaca kale Boliska dalka Filibiin ayaa shaaciyey inay baarayaan maydka Nin Somali ah oo laga helay Tuuladda Potrero oo ku dhow magaalladda Malaboon.
Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Marxuumkaasi oo lagu magacaabi jjirey Abdullaahi Ma’muun laga helay goob Jardiin ah oo uu jiifay.
Qoraalka Boliska ayaa lagu sheegay in Marxuumkaasi oo ay  da’diisa ahayd 60-jir uu la il-darnaan jirey Xanuun dhinaca Kelyaha.