Maxkamadda Degmadda Kawaale ee dalkaasi waxaa maanta la hor geeyey 17 Dhallinyaro Kenyan la sheegay inay qorsheynayeen inay u soo socdaalaan Somalia, si ay ugu biiraan Al-Shabaab.
Dhallinyaradaasi waxay beeniyeen Eedeymihii lagu soo oogay, iyagoo Garsoorka Maxkamadda u sheegay in la soo qabtay xilli ay ka shaqeynayeen Ganacsiga Shirkad diiwaan-gashan.
Garsoorihii Maxkamadda ayaa la sheegay inuu Boliska u fasaxay inay Eedeysanayaasha ku sii hayaan Xabsiga, inta ay ka soo dhamaystirayaan Kiiskooda.
Dhinaca kale, Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu qoray Dhallinyaradaasi oo ay da’dooda u dhexeyso 18-jir ilaa 27 jir ah maalintii Axadda ee isbuucan laga soo qabtay Degmadda Sambuuru ee dalkaasi, isla markaana ay ugu shakisan yihiin inay ku biiri lahaayeen Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.
Dhinaca kale, Maxkamad ku taalla Nairobi ayaa la sheegay in maanta la soo taagi doono 5 Eedeysane oo sida la sheegay lala xiriirinayo weerarkii sannaadkii 2015-kii ay Alshabaab ku qaadeen Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya.