Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa ku gacan-sayrtay Tallaabo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliska Ammaanka ku masaafuriyeen 48 carruur Soomaali ah oo Qaxooti ku ahaa dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay inuu Go’aankaasi ahaa mid qaldanaa, isla markaana aysan jirin caddaymo muujinaya inay Carruurtaasi wax xiriir ah la leeyihiin falalaka Argagixisadda ee ka dhaca Kenya.
Garsoore Isaaq Lenaola oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Kenya waxa uu amray in madhow la siiyo 48-ka carruur ee lagu celiyey Somalia, iyadoo qofkiiba la siinayo lacag dhan 50,000 oo Shillinka Kenya.
Garsooraha waxa uu Lahjad kulul ku sheegay inay Masaafurintaasi tahay Fal Caddowtooyo oo lagu kala fogeeyey Carruurtaasi iyo Waalidiintooda.
Garooraha waxa uu tilmaamay in Lacagaha Magdhowga la siinayo oo keliya Qoysaska Carruurtaasi ee u soo dacwooday Maxkamadda Sare ee Kenya.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa lagu amray inuu hubiyo sidii Carruurta la masaafuriyey ay mar kale dib ula midoobaan Waalidiintooda joogta Kenya.
© Radio Dalsan    Â