Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta markii ugu horreysay waxay u fadhiisaneysaa dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysay inuu gubay, isla markaana dilay xaaskiisa marxuumad Luul Cabdicasiis.
Maxkamadda Rafcaanka Gobolka oo xalay Qoraal soo saartay ayaa waxa ay ku fartay dhinacyada uu kiiskan quseeyo inay soo xaadiraan dacwadda fadhiga 1-aad ee ka dhanka ah Sayid Cali Macalin DaaΓ’β¬β’uud.
Bil kahor ayaa waxaa eedeysanaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ku riday xukun dil toogasho ah, kadib markii ay ku heshay kiiska lagu soo eedeeyay, hayeeshee waxa uu ka qaatay rafcaan.
Cabdicasiis Maxamed oo ah Aabaha dhalay Marxuumad Luul oo aheyd xaaska Sayid Cali ayaa horey warbaahinta ugu sheegay inay doonayaan oo kaliya in eedeysanaha cadaalada loo marsiiyo.
Allaha u naxariistee marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa muddo ku dhow laba bil ku jirtay Qaboojiye yaalla Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo la geliyay markii ay geeriyootay marxuumada.