Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa Maanta waxaa la horgeeyay ciidamo ka tirsanaa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Al-Shabaab ula goosteen Gaari Hartop ah, qori dabajeex ah iyo qori AK47 oo ay lahayd Jubbaland
Eedeysanayaasha kala ah Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xassan Cabdullaahi Maxamed ayaa waxa uu xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland kusoo eedeeyay in ay SAhabaab u gacan galiyeen gaariga oo ay lahayd Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland iyo qori AK47 ah.
Sidoo kale labadan Eedeysane oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa la tilmaamay inay la falgeen Shabaab, halka Eedeysane Mukhtaar Maxamed Cali oo isna ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland lagu helay in Al-Shabaab uu u gacan galiyey qori BKM ama dabajeex ah kaas oo looga bedeshay lacag yar oo dhan 4,500.
Xeer ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland G/le dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxmakadda ka hor akhriyey eedda loo haysto eedeysanayaasha maanta Maxkamadda kaso hor muuqday.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le dhexe Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay xukunka saddexda eedeysane oo lagu xukumay min toban sano oo xabsi ciidan ah iyo in ay dib u gudaan hantidii ay ka iibsadeen