Maxkamadda ugu sarreysa QM ee Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa maanta ku dhawaaqday inay leedahay Awoodda ay go’aan kaga gaaraan muranka Xuduud-baddeedka ee Somalia iyo Kenya ee  Badweynta Hindiya ee hodanka ku ah Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.
Dowladda Somalia ayaa ka codsatay Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee magaalladda Hague inay xukun ka gaaraan Murankaasi sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu burburay wada-xaajoodyo ku aadan xuduud-baddeedkaasi oo dhererkisu ka badan yahgy 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.
Garsoorayaasha Maxkamadda ICJ waxay ku gacan-sayreen Sheegashada Dowladda Kenya ionuu Heshiiskii 20098-kii dhex maray Labada dowladood in Muranka lagu dhamaysto si hoose, oo aan loo gudbinin Maxkamadda ICJ.
Garsooraha guddoominayey Kiiskaasi ee Maxkamadda ICJ, Ronny Abraham ayaa sheegay inay Maxkamadda heshay inay waajib tahay in la laalo Diidmadii Koowaad ee ay Kenya ka keeneen Awoodda Maxkamadda ICJ u leedahay Qaadista Dacwadaasi.
Garsooraha ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu ka hor akhriyey Qolka Maxkamadda oo maanta ku dhawaaqday Go’aankii Rasmiga ee Dacwadda Muranka Badda ee Kenya iyo Somalia.
Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai oo ka hadlay bannaanka Maxkadda The Hague ayaa sheegay inuu Dalkiisa dacwadda kiiskooda jeedin doonaan Dhegeysiga soo socda ee Maxkamadda oo aan weli jadwal loo cayimin ee ku aadan muranka Badda.
“Kenya waxay leedahay door muhiim ah Dagaalka Ammaanka Badda ee khatarta ammaanka ee uga iman kara Xarakadda Alshabaab iyo Burcad-baddeeda†ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Kenya, wuxuuna sheegay in Kiiska Maxkamadda marnaba beddeli Karin arrintan.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay Kenya rumeysan tahay Aragtida lagu xalin karo arrintan inay tahay si loo ballaariyo qoddobadda laga hadlayo iyo inay qeybaha gaaraan Heshiis, waa sida uu hadalka u dhigay.
Xukunka Maxkamadda iCJÂ waxa uu micnaheedu yahay in Somalia sii wadi karto Dacwadda ka dhan ah sheegashadda Kenya ee Xuduudbaddeedka la isku haysto, waxayna taasi wax u dhimaysaa Xuquuqda Kenya ee Sahanka iyo Qodista Shidaalka iyo Gaaska ee xuduudka lagu murunsan yahay.
Shirkado badan oo helay Qandaraas ayaa joojiyey sahmintii ay ka wadeen Kenya, waxaana Shirkadahaasi ku jira Tullow, Erin Energy, FAR iyo Dominion.
Xukunka Dacwadaasi ka socota Maxkamadda ICJ ayaaa laga yaabaa inay qaadato bilo iyo sannado badan,
©Radio Dalsan