Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo sidoo kale taliyaha milatariga Xamas Mohammed Deif.
“Garsoorayaasha waxay soo saareen amar lagu soo xirayo laba qof, Mr Benjamin Netanyahu iyo Mr Yoav Gallant, oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal oo la galay ugu yaraan intii u dhaxeysay October 8 2023 illaa ugu yaraan May 20 2024, maalintii ay xeer-ilaalintu soo gudbisay codsiyada amarka xiritaan,” ayey bayaan ay soo saartay ku tiri Maxkamadda ICC ee fadhiggeedu yahay magaalada Hague.
Waxay sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo Deif, sida lagu yiri bayaanka.
Amarrada xiritaan ayaa lagu sifeeyay “sir†si loo ilaaliyo marqaatiyaasha iyo habsami u socodka baaritaanada, ayay tiri maxkamada.