Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, kuwaaasi oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.
Mas’uuliyiinta Maxkamaddooda haatan socoto ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, Cabdullaahi Maxamed Cali Suldaan iyo Agaasimahii ka horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Muqtaar.
Ugu horreyn guddoomiyaha maxkamadda ayaa goobta ka aqriyay eedda loo haysto labada agaasime, taas oo ah musuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.
Eedeysanaha koowaad oo ah Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan 8 Milyan 667 kun 220 Dollar, taas oo la waayey intii u dhexeysay 6 August ee sanadkii 2020-kii illaa 20-ka bishii April ee sanadkan aynu ku jirno 2023-ka.