Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xukun Dil ah ku riday Laba Nin oo hore u dishay Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Ragga Xukunka lagu Riday waxa ay dileen Xildhibaan Saado Cali Warsame,Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Xildhibaan Sheekh Adan Maddeer.
Labadan qof Ee Xukunka Dilka lagu riday waxa Magacyadooda Shuceyb Ibraahim Mahdi oo 27 Sanno Jir ah iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 Sanno jir ah.