Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 8 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim “Karaama†8 Sano oo xabsi ciidan ah markii lagu helay in uu ka mid ahaa AS.
Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Qalabka G/le, Maxamed Cabdi Muumin ayaa sheegay in eedeysane Karaama uu AS u qaabbilsanaa uruurinta lacagaha.
Maxamuud Maxamed Macalim oo AS ku biiray 2020-kii ayaa dagaalamayaasha siin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere, isagoo sidoo kale u gudbin jiray qiyaasta qiimaha hantida taalla goobtaasi ganacsi iyo taleefanka meheradda si loo handado loogana qaado lacag sharci darro ah.
Karaama ayaa gacanta hay’adaha amniga soo galay 29-kii January ee Sanadkan, iyadoo kiiskiisa uu soo maray marxalado kala duwan.