Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun ku riday labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge, kaasi oo loo soo xiray ka mid ahaanshaha Alshabaab iyo Jaajuusida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu dusiyay.
Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee lagu dilay Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuurre), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha Danab (Drones), dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.
labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge ayaa la sheegay inuu sahmiyay Saldhigyadda Military ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishaan, iyaggoo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, Waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka.
Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute