Maxkamadda Ciidamadda ayaa dhowaan la filayaa in ay billaawdo dhagaysiga dacwad loo haysto 2 eedeysane oo janabi ah oo u kala dhashay Ingiriiska iyo Malaysia, kuwaasoo loo haysto inay ka tirsanaayeen Dagaalamayaasha Al-shabaab.
Eedaysanayaashaan ayaa loo heystaa inay dalka ku soo galeen sharci darro iyo inay ka barbar dagaaalameen Dagaalamayaasha Al-shabaab.
Waxaa sidoo kale loo heystaa in mudadii ay somaliya joogeen inay geysteen tacaddiyo iyo gabood fallo ka dhan ah muwaadiniin soomaaliyeed iyo inay qayb ka noqdeen weerarada Dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan waxaa ka bar-bar dagaalamaya Ajaanib kala duwan. Kuaasi oo intooda badan ka yimaada waddamada Caalamka.