Xarunta Dhexe ee Maxkamadda Garsoorka Calaamiga ee ICJ ku leedahay magaalladda The Hague ee dalka Holland ayaa maanta guda-galaysa Dhegeysiga Dacwadaasi oo socon doono afarta maalmood ee soo socota.
Ergadda Dowladda Kenya ayaa maanta hor tegayo Xeer-beegtida Maxkamadda ICJ ayaa la dhegeysan doonaa Sheegashadda Xuduud-baddeedka la isku haysto.
Ergadda Dowladda Kenya waxaa ku wehlinayo Qareeno u kala dhalatay Britain iyo Faransiiska.
Sidoo kale, Ergadda Soomaalida waxaa hoggaaminayo Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo ay wehlnaiyaan La-taliyayaal Somali iyo Qareeno Caalami oo lagu kala magacaabo Paul Reichler oo u dhashay Maraykanka iyo Professor Allain Pellet oo u dhashay Faransiiska.
Somalia waxay Lahaanshaha Xuduud-baddeedkaasi u cuskatay Qoddobadda 15, 74 iyo 83 ee Heshiiska QM ee Sharciga Baddaha oo la soo saaray sannadkii 1982-kii oo ay Dowladaha Somalia iyo Kenya wada saxiixeen sannadkii 1989-kii.
Xiisadda Muran-baddeedka Somalia iyo Kenya ayaa soo bilowday bishii July ee sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, C/raxmaan Ducaale Bayleh ka hadlay muranka Xuduud-baddeedkaasi oo masaafadiisu dhan tahay 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.
Waxaa la rumeysan yahay in ay Kaydad badan oo Kalluun, Shidaal iyo Kheyraad kale dhex ceegaagaan Xuduud-baddeedkaasi, iyadoo Dowladda Kenya bilowday inay Shirkaddo shisheeye ka hawl-galaan xuduud-baddeedka lagu muran yahay.
Dowladda Somalia ayaa doonaysa in dib loo calaamadeeyo Xuduudka badda ee Kenya kala wadaagaan Badweynta Hindiya, iyadoo lagu salaynayo Xuduudka Berriga ee ay Labada Waddan wadaagaan.
Balse, Dowladda Kenya ayaa ka biyo diidsan in Xuduud-baddeedka lagu saleeyo Jihada uu ka soo bilaabanayo Xuduudka Berriga ee ay labada dal wadaagaan.
©Radio Dalsan