Maxkamad kutaal dalka Kenya ayaa sii daysay nin horay loogu xukumay 20 sano oo xarig ah oo loo haystay dhoofinta foolka maroodiga. Xukunka Maxamed Faysal oo dhacay Sanadkii 2016-kii ayaa la xiriiray dagaalka ka dhanka ugaarsiga sharci darrada ah iyo ka ganacsiga foolka maroodiga.
Garsoore maxkamad kutaal Mombasa ayaa sheegay in xukunka 20-ka sano ah lagu riday Maxamed Faysal uu ahaa mid aan dastuurka waafaqsanayn oo aan loo hayn caddaymo rasmi ah.
Waaxda duurjoogta u qaabilsan dawladda kenya ayaa sheegtay in ay u qaadan waayeen siidaynta ayna ka qaadan doonaan racfaan.
Sanadkii 2016 Maxamed Faysal ayaa horay loogu helay dambi ah haysashada foolal maroodi oo gaarayay saddex boqol oo xabbo – qolyaha arrimaha duurjoogta u dhaqdhaqaaqa ayaa xukunkaas soo dhaweeyey