Maxkamadda Mombasa waxay afar Burcad-baddeed Soomaali ah ku xukuntay xabsi muddo 42-bilood, kadib, markii lagu soo oogay inay afduubteen dooni Kalluumeysi.
Burcad-baddeedaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Hassan Aden, Ali Abdi Fita, Abdi Liban iyo Dahir Afran, waxaana lagu eedeeyey inay weerareen , isla markaana ay bishii Janaayo 6-dii ilaa 7-dii ee sannadkii 2012-kii qafaasheen Dooni Kalluumeysi oo lagu magacaabo Daahiri oo maraysay Badweynte Hindiya.
Garsooradda Sare ee Maxkaamadda Mombasa, Joyce Gandani ayaa sheegtay inay Burcad-baddeeda u adeegsadeen qori AKÂ 47 iyo Bam-gacmeed si u afduubtaan Doonidaasi, isla markaana ay doonayeen inay u adeegsadaan Markab ay wax ku afduubtaan.
Kaaliyaha Agaaismaha Dawad-oogaha Dowladda, Catherine Mwaniki ayaa ka codsatay Maxkamadda in Afarta Burcad-baddeeda lagu xukumay xabsi daain.
Waxay kaloo ku gacan sayrtayin Burcad-baddeeda xabsigooda ku dhamaystaan gudaha Somalia, iyadoo sheegtay inaysan Dowladaha Kenya iyo Somalia lahayn Heshiis ay isku weydaarsadaan Maxaabiista.
Dhinaca kale, Â Garsooradda Sare ee Maxkaamadda Mombasa, Joyce Gandani ayaa Burcad-baddeeda ku xukuntay min 42 bilood oo Xabsi ah.
Afarta Burcad-baddeed ee la sheegay inay yihiin kuwii ugu dambeeyey ee ay Ciiddanka Badda ee Caalamka soo qabteen, laguna xukumo Kenya tan iyo sannadkii 2006-dii.
© Radio Dalsan