Xabsi u dhexeeya 6 ilaa 15 sanno ayey Maxkamadda ku xukuntay 7 Burcad-baddeed Somali lagu helay inay afduubteen Markab nooca Dalxiiska, isla markaana ayMilkiilihii Markabkaasi oo u dhashay Faransiiska ku dileen Gacan-biyoodka Cadmeed bilowgii bishii September ee sannadkii 2011-kii.
Labo ka mid ah Burcad-baddeeda oo magacyadooda lagu kala sheegay C/salaam Xasan iyo Axmed C/llaahi Akiid ayaa lagu xukumay min 15 sanno oo Xabsi ah.
Eedeysane kale oo lagu magacaabo Farxaan Maxamuud Abshir oo Wiil yar oo Kuray ah markii uu Afduubka dhacayey  ayaa lagu xukumay Xabsi 6 sanno ah.
Mid ka mid ah Garyaqaanadda u doodaysay Burcad-baddeeda Soomaalida oo lagu magacaabo Augustin d’Ollone ayaa sheegay in xukunka 15 sanno yahay xukun aad u culus.
Ka hor inta uusan Garsooraha ku dhawaaqin Xukunka, waxay Eedeysanayaasha codsadeen in la cafiyo, waxayna ku dhawaaqayeen “Maalin kasta, Dagaal iyo Gaajo”, taasi oo ay ula jeedeen Xaalladaha colaadeed iyo gaajo ee ka jirtay Somalia.
Qareen Martin Reynaud oo ka mid ah Kooxda Qareenada u doodaysay Burcad-baddeeda ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP inay Maxkmadda waajib ku tahay inay fahmaan Xaalladii Adkeyd ee ay Eedeysanayaasha ku kalliftay Burcad-badeednimadda.
Dacwad-oogayaasha waxay Eedeysanayaasha ku soo oogeen fal Afduub iyo dil iyo inay maydkii Milkiilaha Markabka Dalxiiska oo lagu magacaabi jirey Christian Columbo badda ku tuureen.
Waxaa kaloo lagu soo oogay inay Xaaskiisa Milkiilihii oo lagu magacaabi jirey Evelyne Colombo afduub u haysteen muddo 48 saacadood, ka hor intaysan Ciiddan ka tirsan dalka Spain soo badbaadinin Haweeneydaasi.
Dhinaca kale, Â Qoyska Dhibanayaasha ayaa ilmeeyey markii uu Garsooraha ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Burcad-baddeeda, iyagoo sheegay inay Caddaaladda ka war sugayeen muddo 4 sanno ah.
@Radio Dalsan