Madaxweynihii hore ee jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya ΓΒ Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay, khilaafka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Farmaajo oo soo saaray qoraal ayaa soodhaweeyay wadahadalada la filayo inay u furmaan labada dhinac ee lagu xalinayo khilaafka, waxaana Farmaajo uu sheegay in madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ay muhiim tahay in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.
Farmaajo waxaa uu intaasi ku daray in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ku wada hadleen dalka Qatar, halkaasi oo uu sheegay inay diiradda saareen qodobo ay ku jirtay arrimaha maamulka Puntland.
Γ’β¬ΕKulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaadoΓ’β¬Β ayuu Qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.
Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda ayuu u soo jeediyay farmaajo in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.
Γ’β¬ΕMa jirto xilli uu dalkeennu uga baahi badan yahay in aynu u midowno ka hortagga xasillooni darro gudaha ka timaadda iyo sidii aynu dadkeenna iyo dalkeenna uga difaaci lahayn khatarta dibadeed ee aynu wajahayno, meelna la iska dhigo tallaabooyinka kala qaybsanaanta siyaasadeed u horseedaya dalkaΓ’β¬Β ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.