Dowladda Masar ayaa qorsheyneysa inay ciidamo u dirto Soomaaliya, kuwaas oo ka qaybqaadan doona hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo kusoo beegantay xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankan, iyaga oo tilmaamay in wakhtigan loo baahan yahay taageerada ciidanka Masar. Waxay sidoo kale xuseen in kaalmadan ay kusoo beegantay waqti habboon oo lagama maarmaan u ah xaaladda amniga ee dalka.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Qaahira, Cali Cabdi Awaare, ayaa ka hadlay qorshaha ay ciidanka Masar ugu biirayaan hawlgalka AUSSOM. Danjire Cali Cabdi Awaare wuxuu sheegay in Masar ay noqon doonto dalka ugu horreeya ee ciidamo cusub u dira Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay xukuumadda Qaahira taageerada ay siinayso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Masar waxay noqon doontaa dalka ugu horreeya ee ciidamada cusub ee AUSSOM geeya Soomaaliya, weligeedna kama laba-labayn taageeradeenna,” ayuu yiri Danjire Awaare.
Dhanka kale, Itoobiya ayaa walaac ka muujisay ciidamada Masar ee la filayo inay kusoo biiraan hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya. Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadashay xaaladda amniga Geeska Afrika, iyadoo ku adkeysatay inaysan marnaba daawan doonin haddii ay jiraan tallaabooyin khatar ku ah xasiloonida gobolka.
Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhow ula socoto isbeddellada ka socda gobolka, gaar ahaan kuwa saameyn kara danaha qaranka ee dalkaasi.
Xiisadda ka dhalan karta ciidanka cusub ee Masar ayaa noqon karta mid horseedda isbeddello cusub oo ka dhaca gobolka, iyadoo dalalka dariska ah ay indhaha ku hayaan saameynta ay arrintan ku yeelan karto amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika.