Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.
RW Xamse iyo Moussa ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika – iyo qaabkii loo xoojin lahaa gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.
RW Xamse ayaa ku sygan dalka Tunisia halkaasi oo uu kaga qayb galay shirka TICAD8, waxaana uu kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin kala duwan oo ka qayb galayay shirkaasi.
Masuuliyiinta uu kulamo doceedyada la qaatay waxaa ka mid ahaa wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Aljeeriya, Mudane, Kamel Rezig, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal.
Sidoo kale waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.