Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.
Dhankiisa safiirka Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey soo dhawaynta qiimaha badan.
Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.