Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan.
Kulanka aya waxaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal, heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, dagaalka dowlada ay kula jirto argagixisada iyo muhiimada Soomaaliya u leedahay xasiloonada gobolka gees ka Afrika.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha oo lagu ilaalinayo xeebaha Somalia, laguna tababarayo ciidamada Badda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Turkiga kaga qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.