Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa qaabilay Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynihii hore ee Galmudug ahna ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland.
Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland iyo wafdigiisa ayaa u tagay caasimadda Dhuusamarreeb latashi ay la sameynayaan bulshada reer Galmudug iyo madaxdooda taasoo ku aaddan ka gun-gaaridda wadahadallada DFS iyo Somaliland.
“Inta aan joogno caasimada Galmudug ee dhuusamareeb waxaan sidoo kale la kulmi doonaa labada golle ee DOWLADDA Galmudug iyo Bulshada deegaanka, kuwaas oo aan ka dhageysan doono doodahooda ku wajahan ka gun-gaarista Wadahadallada DFS iyo Somaliland†ayuu yiri C/Kariin Guuleed oo Qoraal soo saaray.
Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland ayaa horay u teyay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isaga oo ka sameeyay la tashiyo ku aadan howlaha horyaalla ee bilaabidda wada-hadallada labada dhinac oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.