Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Sacuudiga oo ay ku kulmeen Magaalada Muqdisho.
Kulankan dhexe Maray Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Boqortooyada Sucuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Mashaariicda iyo qodobbo kale.
Si gaar ah waxaa intii kulanku socday loogu faaqiday tageerada Boqortooyada Sucuudiga ee dhinacyada kala duwan iyo sidii Dowladda Jubaland ay uga tageeri lahayd mashaariicda hormarinta adeegyada bulshada.