Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Norway u fadhiyay Soomaaliya iyo Kenya,waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo ku aaddan xaaaladaha guud ee Galmudug.
Kulanka Madaxweynaha Galmduug iyo Gunnar Holm oo ah Danjiraha Dowladda Norway u fadhiya Kenya & Soomaaliya ayaa si gaar ah kaga wada hadlay arrimaha xasilinta.
Waxaana sdioo kale kulanka diirradda lagu saaray mashaariicda horumarineed ee ay Norway ka waddo gudaha maamulka Galmudug.