Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada ahna Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Luul bint Rashid Al-Khater ayaa maanta oo jimce ah kula kulantay magaalada Antalya ee dalka Turkiga , Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan, kuna dhinac socda Madasha Diblomaasiyadda kaas lagu qabtay maagalada Antalya dalka turkiga.
Labada Masuul ayaa iska xog waraysatay xaaladihii ugu dambeeyay Arimaha Soomaaliya.
Sidoo kale Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxay caddeeysay in dowladda Qadar ay si joogto ah u garab taagan yihiin Soomaliya , waana mid joogto ah arimaha la xiriira amniga, horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.