Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.
Kulankan oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo sidii loo dardar galin lahaa.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulanka ka balan qaaday in Jubbaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay Guddiyadu uga baahan yihiin , isla markaana loo baahan yahay dardar-gelinta qabsoomida doorashada 16-ka kurs.
Guddoomiye Muuse Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta tegay Magaalada Kismaayo ayaa u soo gudbi doona Magaalada ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo loo wareejiyay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, lagana wareejiyay Garbahaarey.
Ceelwaaq aya waxaa ka socota diyaar garoowga ku aadan doorashada 16-ka kursi, waxaana Jadwalka ay soo saareen Guddiga doorashada Jubbaland ku cadaa in doorashadaas la qaban doono 18-ka bishaan.