Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kaga wada hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka caalamiga ah.
Madaxweynaha Faransiiska oo shalay booqasho rasmi ah ku yimid Itoobiya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda dalkaasi, waxaana uu wada hadal la yeeshay Abiy Ahmed.
Labada dhinac ayaa diiradda saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Itoobiya, oo hadda dhex maquuranaysa marxalado adag oo dhinaca siyaasadda gudaha iyo dibadda ah.
Waxa kale oo ay ka wada xaajoodeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal iyo doorka Faransiiska ee gobolka Geeska Afrika.
Faransiiska, oo saameyn weyn ku leh dalal badan oo Afrika ku yaal, ayaa muujinaya danaha cusub ee uu ka leeyahay wadamada Geeska Afrika.
Dowladdiisu waxay doonaysaa inay xoojiso xiriirka siyaasadeed, ganacsi, iyo midka amni ee ay la leedahay dalalka gobolka.