Saaka abbaaraha 7:30 subaxnimo ayaa laba nin oo labisan dareyska ciidanka soo gaaray xarunta shirkadda Hormuud Telecom, iyagoo isku dayay inay ka baxsadaan lacago ka socda lambarro aysan iyagu lahayn. Mid ka mid ah labada nin ayaa gudaha u galay xarunta, halka ninka kale uu ku sugnaa mooto bajaaj uu watay.
Markii shaqaalaha shirkaddu ay hubin ku sameeyeen lambarka lacagta laga dirsan rabay, waxay si degdeg ah u ogaadeen in ninkaasi uusan lahayn lambarka uu codsaday lacagta laga bixiyo, sidaas darteedna way ka diideen codsigiisa. Daqiiqado ka dib, ragga waxay xarunta keeneen gabadh oo sheegtay in la afduubay.
Murankii ka dhashay ayaa isu bedelay xaalad hubaysan, iyadoo ragga hubeysnaa ay qoryohoodii lasoo baxeen, taasoo dhalisay iska horimaad adag oo dhexmaray iyaga iyo ilaalada shirkadda. Natiijadii ka dhalatay is-rasaaseyntaas ayaa ahayd in mid ka mid ah labada nin uu goobta ku geeriyooday, halka ninka kalena uu goobta ka baxsaday.
Saraakiisha shirkadda Hormuud ayaa si degdeg ah ula xiriiray ciidamada booliiska Soomaaliyeed, iyagoo ku wareejiyay xogtii iyo faahfaahintii dhacdadan.