Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.
Qodobada looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada:-
1- Amniga Guud
2- Saameynta ay geysteen Roobabkii ka da’ay Puntland, sida khasaaraha Naf iyo Maal leh iyo burburka soo gaaray Waddooyinka.
3- Gurmadka dadka Roobabku saameeyeen.
4- Qorshaha Biyo- ka -saarka Gaalkacyo.
5- Kulankii Xisbiyada Siyaasadda Puntland iyo qabashada Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka harsan.
6- Iyo sida uu u socdo Ololaha daaweynta Xoolaha Puntland oo meel Wanaagsan maraya.
Golaha Wasiirada ayaa dib-u-eegay qobadii looga hadlay Shirka todobaadkii hore iyo waxa ka qabsoomay, Madaxweynaha ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in la dardargeliyo adeega Dowladnimo ee bulshada loo hayo.