Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hubka, amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka wata ee ka daΓ’β¬β’aya dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa soo dhaweeyey goΓ’β¬β’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay cuna-qabataynta hubkaΓΒ ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna. Taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey RaΓ’β¬β’iisul Wasaaraha XJFS Mdane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariiraΓΒ amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diyaarsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.