Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta oo sabti ah gaaray safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo xubnaha la socday.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya.
Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa looga arrinsaday arrimaha Puntland, sida Dimuqraadiyadda Puntland, dardargelin mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.