Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jimcihii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay caasimadda Muqdisho.
Kulanka labada Madaxweyne hore dhexmaray ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, sida ay ku shaaciyeen qoraalo ay soo saareen Sheekh Shariif iyo Farmaajo.
Sidoo kale Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ayaa hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran, isla markaana loo baahan yahay in wadatashi laga yeelo arrimahaasi.
“Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran†ayaa lagu yiri Qoraalo isku mid ah oo ay soo saareen Farmaajo iyo Shariif.
Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla gartay in lasii wado kulamada iyo wadatashiyada, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshadda.
Labada Madaxweyne hore ayaa la sheegayaa inay Muqdisho ka billaabi doonaan olole siyaasadeed ballaaran oo lagu mucaaradayo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , oo ay ugu horreyso in la is-hortaago dhameystirka dastuurka dalka.