Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.
Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee Go’aanka Puntland.
Madaxweyne Saciid Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo.
“Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Puntland
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala noqdeen Hey’addaha dowladda Federaalka inta laga helayo Hannaan Federaal oo dhameystiran oo Soomaali heshiis ku tahay.