Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo ka qabsoomay Xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ay kamid yihiin Amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Bilicda & Nadaafadda iyo sare u qaadida Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar.
Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo maamulada degmooyinka ka warbixiyeen kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo Adeegyada loo haayo Bulshada Caasimadda.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka,