Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka iyo siyaaisyiin kale oo ku sugan magaalada Muqdisho xalay ku yeeshay kulan hordhac u ah Shirka Maanta u furmaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore.
Shirkan ayaa looga arrinsaday ajandayaasha ay maanta oo Arbaco ah ay la hortagi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigelin doono Shir wadatashi oo uu Mas’uuliyiintan hore la yeelan doono oo uu kala hadli doono arrimo dhowr ah.
Siyaasiyiinta ku shiray Muqdisho xalay oo u muuqday inuu hoggaan u yahay Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa kasoo horjeeda go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashada.
“Waxaa isugu nimid kulan wadatashi ah. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha DFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo gogosha fidiyey.Waxaan rajeyneneenaa in kulanku uu noqdo mid miradhal ah†ayuu yiri Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay; Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.
Villa Somalia ayaa shalay sheegtay in ujeedka madaxweyne Xasan ee shirkan uu yahay inuu madaxdii hore ee dalka la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.