Baladweyne – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay magaalada Baladweyne, gaar ahaan xaafadda Howlwadaag, halkaas oo lagu beegsaday Hotel lagu magacaabo Qaahira oo ay ku shirayeen Odayaal dhaqan iyo saraakiil sida wararku sheegayaan.
Weerarkan ayaa ku billowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay afaafka hore ee hotelka. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in isla markiiba dagaalyahano hubeysan ay gudaha u galeen hotelka, halkaas oo ay rasaas xooggan ka bilaabeen.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baaxadda qaraxa, iyadoo uuro iyo qiiq madow cirka isku shareeray. Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay meelo ka fog magaalada, taasoo muujineysa awoodda uu lahaa.
Hotel Qaahira oo dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ayaa maalmahan martigelinayay kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeyay odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo ka arrinsanayay abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in hotelka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin kala duwan, balse weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee weerarka.
Xogaha soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in kadib qaraxii hore, uu dhacay qarax labaad oo loo adeegsaday mooto Bajaaj. Qaraxan labaad ayaa si toos ah uga dhacay albaabka hore ee hotelka, taasoo sii xoojisay khasaarihii ka dhashay weerarka.
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa durba gaaray goobta, iyagoo isku dayaya inay weerarka soo afjaraan. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana gudaha hotelka ka socda dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada hubeysan ee weerarka soo qaaday.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dadkii ku sugnaa hotelka. Wali lama oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkan, maaddaama rasaasta ay weli socoto.
Wararkii ugu dambeeyay iyo wixii kusoo kordha weerarka Baladweyne, kala soco wararkeena xiga.