Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah e Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa waxaa soo baxaya warar ku aaddan in RW Rooble la kulmo doono Madaxda Ahlu-sunna, si loo dhammeeyo khilaafka culus ee ka taagan halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Xsueen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uusan wax wada hadal ama kulamo ah uusan la yeelan doonin xoogagga hubeysan ee Ahlu-Sunna.
Sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al cadaala Ra’iisul Wasaaraha qorshaha uguma jirito arrintaasi, qaybna kama aha kulamada Rooble ee uu doonayo in u la yeesho qaybaha kala duwan e bulshada degaanadaasi.
RW Rooble ayaaa safar ku tagi doono Magaalooyinka waa weyn ee Dowlad Goboleedyada,waxaana socdaalkiisu uu yahay mid ku aaddan arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan si toos ah loo aadi doorashada Golaha shacabka.