Saacadihii la soo dhaafay waxaa aad baraha bulshada ugu baahay qoraallo lagu sheegayo in laacibka weyn ee u dhashay Ivory Coast, Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka.
Warkan ayaa soo baxay kadib markii wadaad Muslim ah oo lagu magacaabo Dr Maxamed Saalax oo ku nool Maraykanka uu baahiyay sawiirro muujinaya Drogba oo u ducaysanaya sida Muslimiinta.
Wadaadka ayaa sheegay in Drogba uu qaatay diinta Islaamka, sidaana waxaa ku baahay warka.
Saacado kadib Drogba ayaa bartiisa rasmiga ah soo dhigay in uusan bedalin diintiisa, isla markaana uu la yaabay sida uu u faafay warkaas.