Warar lagu kalsoonaan karo oo ay Dalsan heshay ayaa sheegaya in shalay uu madaxweynaha Jubaland ka dagay Adis’ababa si uu u kala dhax galo dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka deegaanka Soomaalida ee Cabdi Ileey.
Wararka ayaa sheeegaya in Axmed Madoobe oo xiriir fiican la leh dawladda Itoobiya ay iyaga u yeereen gaar ahaan xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya saraakiil ka tirsan si loo dhagaysto taladiisa ku aadan xiisada ka taagan Jigjiga.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale dadaal farabadan waxa uu ku bixinayaa sidii loo dejin lahaa xiisadaas ka taagaan Magaalooyinka Waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com