Labo mataano oo hal sanno jir ah ayaa la sheegay inay khatar u galeen inuu jiiro gaari uu waday nin sarqaansan, kaasi oo gaariga ku waday xawli 10 jeer ka badan xawaaraha la oggol yahay in lagu wado gaadiidka.
Carruurta oo ay hooyadooda ku waday gaariga ciyaalka si ay ugu soo nastaan goobo lagu nasto  ayaa waxaa qura dhankooda ka soo baxay gaari xawli ku socda, wuxuuna ku dhacay gaari-gacankii ay Mataanayaasha ku jireen.
Nasiib wanaag, carruurtii waxay jugta gaariga sababtay inay hawada u faniinaan, kadibna waxay ku soo dhaceen meel ku dhow Taayarka gaarigii.
Hooyadda wey argagaxday, kadib, markii ay aragtay carruurteeda oo hawada ku faniinay iyo gaari-gacankii oo waddada dhinaceeda xooran.
Waxay u yeertay Boliska iyo Ambalaasta oo si degdeg ah ugu soo gurmaday.
Boliska Degmadda Sevastopol ee Gacan-biyoodka Cremia (The Crimean Peninsula) ee Gobalka Kherson ee Koonfurta dalka Ukraine ayaa la sheegay inay qabteen Dareewalkaasi, oo la sheegay inuuusan haysanin Dukumentiga Dareewalnimadda.
Afhayeenka Boliska ayaa sheegay inay Boliska yimaadeen shan daqiiqo kadib, markii uu shilku dhacay, waxayna arkeen hooyadda oo ilmeynaysa, isla markaana carruurta ku mashquulsan.
Dareewalkii shilka geystay ayaa la sheegay inuu ku sii sugnaa gaarigiisa ilaa ay Boliska ugu yimaadaan.
Dareewalkii waxa uu ku dooday inuu shilka galay, xilli uu ka weecan lahaa gaari ku soo fool lahaa.
Dareewalka cabsanaa ayaa lagu soo oogi doonaa dembiyo la xiriira inuu cabsanaa iyo inuu khatar geliyey nolosha dad kale.
Xigasho:- The Sun
Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed