Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar munaasabad soo dhaweyn ah ugu sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah DFS ee usoo idlaaday meertada 6-aad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoona Munaasabada uu kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Bare.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee Maamulka Gobolka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo xubno kale ayaa ku sugnaa munaasabada.
Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Bare ayaa bogaadiyay talaabooyinka horumarka leh oo uu Maamulka Gobolka Banaadir gaarsiiyay Caasimadda iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowliga ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay hirgalinta xaquuq siyaasadeedka Gobolka iyo Maqaamka Caasimadda.