Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta  ugu yeeray xafiiskooda Aqalka Sare, mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga Gudaha XFS iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.
Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga iyo hay’adda Socdaalka su’aalo dheeraad ah iyo turxaan bixin ay uga baahdeen ka weydiiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo ay gacanta ku hayaan.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa oo hoggaaminayay xubnaha Wasaaradda iyo mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa ka jawaabay su’aalihii guddiga amniga ay uga baahdeen sharciga.
Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee BFS Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa kulanka soo xiray, waxaana lagu ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac.