Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Barwaaqo Mudane Aadan Faarax, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibada dalka Itoobiya iyo danjiraha dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mukhtaar Waare.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Mudane Abshir Jaamac Huruuse iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxumuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga talada dalka Itoobiya haaya Aadan Faarax ayaa Guddoomiyaha waxaa uu soo gaarsiiyay fariin ay ka sideen Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed Ali ahna Guddoomiyaha Xisbiga Barwaaqo, iyagoo ka warbixiyay xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya shacabka iyo labada dowladood.
Guddoomiyaha ayaa waftiga uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen dalka, isagoo warbixin ka siiyay xalada guud ee dalka, waxyaabihi u qabsoomay Golaha Shacabka iyo shuruucdi uu ansixiyay Golaha. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay Dowladda Itoobiya iskaashiga kala dhaxeeya Soomaliya ee dhanka amniga iyo la-dagaallanka kooxda khawaarijta.