Magalada Adis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya waxaa gaaray Wafdi isugu jira Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Dowlad deegaanka soomaalida itoobiya.
Xubnahaan oo ka ambabaxay Gobolka Baali ayaa waxa ay Adis Ababa uga qeyb geli doonaan Shir ballaaran oo halkaasi ka furmi doona sida la xaqiijiyey.
Shirkaas ayaa waxaa looga hadli doona xaaladaha Siyaasadeed ee mudooyinkii ugu dambeeyey ka taagneyd dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb geli doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dowlad deegaanka Soomaalida iyo federaalka itoobiya si xal buuxa looga gaaro dhibaatooyinkii dhacay.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa deganeyd xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,kadib rabshadihii ka dhacay.