Waxaa Xafiiska Warqabadka ee Radio Dalsan soo gaarayo Farriimo ay Madaxda iyo Mas’uuliyiinta uga tacsideynayaan Geeridii ku timid Allaha U Naxariistee Guddoomiyihii Shirkadda Somali Airlines, Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa xalay ku geeriyooday Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Madaxda iyo Mas’uuiyiinta diraysa waxaa ka mid ah: Guddoomiyaha Warbaahinta Dalsan Media, Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiibâ€, Prof. Maxamuud Cali dheg-weyn, Ciise Maxamuud Xasan Gacal, Xildhibaan C/llaahi Cali Gadafey, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, C/llaahi Cali Nuur,  Ganacsade Maslax Xuseen Maxamed, Xildhibaan C/llaahi Iimaan Afrax.
Waxaa kaaloo Tacsi dirayaa Suldaanka Beesha Wacaysle Abgaal, Suldaan Maxamed Cabdi Shido, Nabadoon Ciise Macallim Maxamuud,Wasiiru-dowlaha Amniga ee Dowlad-gobaleedka Mudug, C/llaahi Axmed Calasow, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta , Prof. C/llaahi Axmed Afrax iyo Madax kale.
Dhinaca kale, Allaha U Naxariistee Guddoomiyihii Shirkadda Somali Airlines, Maxamuud Maxamed Guuleed waxa la filayaa in maalinta berrito ee Jimcaha Aas Qaran loogu sameeyo magaalladda Muqdisho.
انالله وانا اليه راجعونÂ
©Radio Dalsan