Shirka u dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxdii hore iyo siyaasiinta dalka ayaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socda Hotelka Decale ee ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Mas’uuliyiin horleh oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku biiray shirka oo looga arrinsanayo qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.
Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa ku biiray shirka Wadatashiga ee uu shalay furay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Arrimaha maanta laga wada doodayo waxaa kamid ah muddo xileedka madaxweynaha iyo madax goboleedyadaa amniga, dastuurka iyo doorashooyinka oo ah kuwa muhiim ah.
Gabagabada shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga soo saaro warsaxaafadeed ay madaxdu ku shaacinayaan go’aannada ay ka gaarayaan xaaladda dalka.
Kulanka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxdii hore iyo Siyaasiyiin kale.