Qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan suuqa lagu iibiyo xoolaha ee magaaladaasi ku yaalla.
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday oo la isku qarxiyey Madaxii Dabagalka Maaliyada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle Daahir Maxamed Kaanti, isagoona u geeriyooday dhaawac halis ah oo qaraxaas kasoo gaaray, jugta qaraxa ayaana laga maqlay xaafadaha Jowhar.
Axmed Meyre Makaraan Faal oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Daahir Kaanti.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Axmed Faal ayaa waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu lafdhabar u ahaa Bulshada Gobolka, isla markaana door weyna ka qaatay dhismaha Dowladanimada.
Gaba-gabadii Gudoomiyaha ayaa Alle ugu baryey Marxuumka in Janatul Fardowsa Alle ka waraabiyo samir iyo iimaana kasiiyo Ehelada iyo Qaraabadii uu ka baxay, waxaana uu Caafimaad u rajeeyey inta ku dhaawacantay Qaraxaasi.