Idaacadda Radio Pakistan ayaa baahisay in la dilay hoggaamiyaha caanka ee kooxda hubeysan ee Daalibaanta Pakistan (Tehreek-e-Taliban Pakistan ee TTP.
Hoggaamiyahaasi oo magaciisa lagu soo koobay TARIQ ayaa waxaa lagu dilay Gobalka Kunar ee Afgaanistaan.
Ninkaasi ayaa la sheegay inuu ahaa Maskaxdii ka dambaysay Weerar Is-qarxin ah oo lagu dilay ugu yaraan 3 qof oo Pakistani ah iyo 9 Engineer oo u dhashay dalka Shiinaha.
Weerarkaasi oo dhacay bishii July 14-dii ee sanadkii 2021-kii waxaa lala beegsaday Bas ay la socdeen Shaqaale Shiinees iyo kuwo Pakistani ah, kuwaasi oo ku sii jeeday Mashruuca Korontada ee Dasu Hydropower ee Degmadda Upper Kohistan ee Gobalka Khyber Pakhtunkhwa.
Telefishinka ARY NEWS ee dalka Pakistan waxa uu baahiyey in Ninkii fuliyey Is-qarxintaasi oo lagu magacaabi jirey Khalid Sheikh in lagu soo tababaray gudaha dalka Afgaanistaan, si uu u fuliyo Weerarkaasi.