Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka tirsan goleyaasha dowladda,ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqii hore ee Muqdisho oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.
Madaxdii ka qeyb gashay aaska Marxuumka ayaa xusay in uu ahaa shaqsi dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo iyo dal jacayl, taasoo uu caan ku ahaa intii uu noolaa.
Horay Madaxda ugu sarreysa Dowladda iyo madaxdii horay u soo maray dalka ayaa uga tacsiyeeyay geerida Marxuumka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinta maantadii hore ka hadlay, waxaana uu xusay in Marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalkeenna soo maray, Alle ha u naxariistee Cali Ugaas ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaaniga iyo Duqii Magaalada Muqdisho Sanadkii 1987-1990,